Dagaal Xoogan ka Dhacay Duleedka Degmada—————-

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Al Shabaab iyo kuwa dowladda ayaa ka dhacay duleedka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha hoose, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada dowladda.
Dagaalka oo Shabaab ay soo qaadeen, ayaa waxa ay ku weerareen tuulada Dal-biyaango oo ku dhaw degaanka Danow ee duleedka Degmada Qoryooley.
Ku dhawaad saacad ayaa la sheegay inuu socday dagaalkaan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay hal askari inuu kaga dhintay weerarkaasi, dhankoodana ay dileen laba ka mid ah Shabaab sida ay sheegeen.
Al Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta Saldhiga ay weerareen, inkastoo ay sheegeen markii dambe inay isaga baxeen.
Dadka degaanka dal-biyaango ayaa sheegay dagaalka halkaasi ka dhacay inuu ahaa mid culus oo dhawaqa rasaas kala duwan ay maqlayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top