Ciidamo Badan oo DF ka Qoranayso Buuhoodle & Tiro Badan oo Ka Timid Deegaano Kale

Ciidamo kamid noqon doona ciidamada xooga dalka soomaaliya ayaa dawladda federaalka soomaaliya ka qoranaysaa magaalada buuhoodle iyo degaano ka tirsan gobolka cayn waxaana hirgalinaya qorshahan mas,uuliyiin ka soo jeeda deegaankaasioo xilal kala duwan ka haya dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isku af gartay in ugu yaraan 5000 oo Askari laga qoro deegaanada Buuhoodle, kuwaas oo qayb ka noqon doona xoojinta amaanka dalka iyo sidoo kale hawlgelinta nidmaanka dowladdnimo oo sanadkani xukuumadda federaalka Soomaaliya ay wada qorshaysay in ay gaadhsiiso guud ahaanba dalka Soomaaliya.
Dhanka kale warar hoose oo ay heshay Warbaahinta ayaa tibaaxaya in ciidamadani ay qayb ka ahaan doonaan dhismaha maamul cusub oo loo dhisi doono dhawaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle kaas oo ay qayb ka tahay dhismihiisa dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii hogaamiyaasha dhaqanka deegaanadaasi iyo madaxda dowladduba ay isla af garteen qorshaha dhismaha maamulkaasi cusub.
Ciidankan waxay ka qeyb-qaadan doonaan difaaca iyo xoraynta degaanada ay maleeshiyaadka SNM-ta ku suganyihiin kuwaa oo hadda qorshahooda la bilaabay sidii looga saari lahaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top