Breaking News::Raysal Wasaaraha Cusub Ee Itoobiya Maxaaad Ka Taqaan

War goor dhaw aan ka helnay magaaladda Addis Ababa ayaa noo xaqiijiyay in xisbiga EPRDF ay u xuleen inuu noqdo raysal wasaaraha cusub Workneh Gebeyehu oo hadda ah wasiirka arrimaha dibadda.
Workneh Gebeyehu ayaa ka soo jeeda qoomiyadda Oromadda, waa 50 sanno jir, wuxuu ka tirsanyahay xisbiga Oromo People’s Democratic party iyo xisbiga EPRDF ee tallada dalka Ethiopia gacanta ku haya.
Waa markii ugu horaysay ee taariikhda dalka Ethiopia uu raysal wasaare ka noqdo nin ka soo jeeda qoomiyadda Oromadda oo sannadadii ugu danbeeyay wadday kacdoono ka dhan ah dawladda.
Waa Siyaasigii ugu da’ yara ee hogaamiye ka noqda Ethiopia, wuxuu wax ku bartay gudaha dalka Ethiopia isagoo shahdooyinka Cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ka qaatay jaamacadda Addis Ababa.
Maalinta berri ah ayaa baarlamaanka Federaalka Ethiopia u ballansanyahay inay ansixiyaan raysal wasaaraha cusub

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top