Xaalada degaanka Ceelka geelow oo saakay Degan,kadib dagaal ka dhacay

Waxaa saakay Degan Xaalada Degaanka Ceelka geelow ee gobalka Shabeelaha Dhexe,kadib markii ay ku dagaalameen Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan Militiriga Soomaaliya.
Dadka degaanka oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa ay sheegeen in saakay xaaladu ay degantahay,islamarkaana mararka qaar ay ka cabsi qabaan In markale Shabaab iyo Ciidamada Militiriga ay ku dgaaalamaan degaankaasi.
Saraakiisha Ciidamada Xoogga ee ku sugan gobalka Shabelaha Dhexe ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka Saar I doonaan Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeelaha dhexe.
Maalmo ka hor ayay aheyd Markii Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay Weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Militiriga Soomaaliya oo ku sugnaa Degaanka Hanshiiq ee gobalka Shabeelaha,iyadoona Dagaalkaasi uu khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac uu ka dhashay.
Al-Shabaab ayaa sii kordhiyay Weerarada tooska ah oo ay ku qaadayaan Askarta ka tirsan Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top