Shirkada Adidas Oo Twitter-kooda Ku Shaaciyay In Man United Ay La Soo Wareegtay Paulo Dybala.

Shirkadda qalabka Isboortiska sameysa ee Adidas ayaa raacday wadada shirkadda ay aadka ugu xifaaltamaan suuqa ee NIKE kadib markii ay ku dhawaaqeen in Paulo Dybala uu kusoo biiray Man United.
Shirkadda NIKE ayaa muran badan dhalisay maalmahii ugu dambeeyay December kadib markii si aan rasmi ah aheyn ay u shaaciyeen heshiiska Philippe Coutinho ee Barcelona, basle markaan Adidas waxey iyana shaacisay heshiiska Paulo Dybala ee garoonka Old Trafford.
“Philippe Coutinho waxa uu diyaar u yahay inuu shido Camp Nou. Dalbo maaliyadaada Barcelona ee 2017-18 oo uu dusha kaga qoray yahay magaca indho sarcaadiyaha. Ku dhaqso – in si bilaash ah magac laguugu qoro waxa ay soconeysaa ilaa iyo 6da Janaayo” Nike ayaa kusoo qortay website-keeda balse markii dambe wey tirtireen.
Dhanka Adidas qeybteeda UK iyagana waxey kusoo qoreen bartooda Twitter-ka: “Koox cusub – tartan cusub, kusoo dhawaaw Paulo Dybala Masraxa Riyada” balse durbadiiba waa la tirtiray walow aan la ogeyn sida ay arinkaan u rumoobi karto.
Sida Nike oo kale ma shaacin waqtiga la heli karo maaliyadiisa sidaas darteed wali waxaa shaki laga muujinayaa waqtiga – waxeyna dadka inta badan isku raaceen in shirkadda kaliya ay ka hadashay xagaaga soo aadan.∇

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top