shir Wariyaasha loo diiday oo MD Farmaajo, Gaas & Isimada P/land ku dhexmaray Garowe

Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed C/llaahi Farmaajo oo halkaasi ku sugan uu kullamo la qaatay Isimadda ugu caansan Puntland, gaar ahaana Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo kamid ahaa Isimadda hadda kusugnaa caasumada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa guryahooda ku booqday Labadan Isim, waxayna ka wada hadleen xaaladdaha Amniga, Siyaasada iyo horumarineed ee kajira gudaha dalka, waxayna aragtidoodu ku biiriyeen sidda ay wax u wado dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Wariyaasha Garowe ayaa loo diiday kulanka,waxaana kulanka si gaar ah u dhexmaray Madaxweynaha Faderaalka, Madaxweynaha Puntland iyo Isimaddan ayaa diiradda lagu saarayey wacaalka siyaasadeed ee hadda taagan.
Warar ku dhaw dhaw kulamadan ayaa daaha ka rogaya in laga wada hadlay siyaasada qalafsan ee Soomaaliya iyo talooyin ay soo jeediyeen Isimadan oo ku qotomay sidii horumar wanaagsan loo sameyn lahaa.
Sidaas oo kale waxaa lasoo qaaday suuragalnimada in dibu eegis lagu sameeyo hanaanka SIyaasadeed ee dalka, gaar ahaana in la eego xaaladdaha waqtigan taagan oo ay tahay dawladdu in ay wax ka qabato.
Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sidoo kale booqday Isbitaalka guud ee magaalada Garoowe, isagoo halkaas kula kulmay Maamulka Isbitaalka ayna ka wada hadleen xaaladdaha iyo baahiyaha uu qabo isbitaalkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top