Shaxda Rasmiga Ah Ee Man United Vs Stoke City, Henrikh Mkhitaryan Oo Gabi Ahaanba Maqan Iyo Mourinho Oo Shax Xoogan Soo Xushay

ose Mourinho ayaa sidii la filayay goolkiisa ku soo bilaabay David De Gea waxaana afarta difaaca ah ku wada jira Antonio Valencia, Phil Jones, Chris Smalling iyo Luke Shaw waxaana khadka dhexe ku soo wada bilawday Nemanja Matic, Paul Pogba iyo Jaun Mata iyada oo Jesse Lingard iyo Anthony Martial ay weerarka ka caawin doonaan Romelu Lukaku.
Laakiin Henrikh Mkhitaryan oo la sheegay in uu qayb ka yahay heshiiska ay Man United ku doonayso Alexis Sanchez ayaa gabi ahaanba ka maqan liiska Manchester United uga qayb galaya kulanka Stoke City halka Martial oo ay Arsenal doonayso in uu qayb ka noqdo heshiiska Sanchez uu shaxdan ku soo bilawday.
Man United : De Gea, Antonio Valencia, Phil Jones, Chris Smalling, Luke Shaw, Nemanja Matic, Paul Pogba, Jaun Mata, Jesse Lingard, Anthony Martial, Romelu Lukaku
Kaydka: Pereira, Lindelof, Rojo, McTominay, Herrera, Fellaini, Rashford

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top