Qaabkii Uu Cristiano Ronaldo Uga Dhaawacay Madaxa, Xitaa Dhiig Ayaa Ka Yimid

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayuu dhaawac soo gaaray kulankii ay kooxda Real Madrid guusha weyn ka gaartay kooxda Deportivo kana tirsanaa horyaalka La Liga.
Dhaawaca Ronaldo ayaa yimid intii uu xiddigu dhalinayay goolka 6-aad ee kooxdiisa isaga oo wajiga ka dhaawacmay waliba dhiig ka yimid.
Waxa Kabtanka reer Portugal dhaawaca gaarsiiyay daafaca reer Switzerland ee Fabian Schär kaas oo madaxa ku dhuftay intii uu Ronaldo doonayay in uu gool dhaliyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top