Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Saxiixayo Miisaaniyadda Dowladda 2018-ka

Miisaaniyadda uu saxiixayo Madaxweynaha Soomaaliya waxaa sanadkii aynu soo dhaafnay 2017-kii ansixiyey Golaha Wasiirada Soomaaliya, kadibne waxa cod ku aqbalay Golaha Shacabka, waxaana loo gudbiyey Golaha aqalka sare oo shalay ugu dambeyn cod ay u qaadeen kadib u ogolaaday in madaxweynaha uu ansixiyo.
Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Golaha aqalka sare ka dalbaday in ay u codeeyaan in madaxweynaha uu saxiixi karo, maadaama aanan la horgeyn warqadda Miisaaniyadda.
Waxa uu sheegay in sanadka cusub aanan ku dhalin karin Miisaaniyadda oo hortaala Golaha aqalka sare, sidaa awgeedne iyadoo la eegayo danta guud uu ka dalbanayo in ay la qaataan go’aan mideysan.
Kolkii Golaha aqalka sare ay ogolaadeen ayuu u sheegay in warqadda Miisaaniyadda uu isaga Maanta u geynayo sida uu hadalka u dhigay.
Miisaaniyadda sanadkaan ayaa gaareysa $274,640,191 Doollar (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar), Wasiirka Maaliyadda Soomaaliyane waxa uu sheegay in howlo kala duwan lagu qabanayo lacagtaasi.
Saxiixa Madaxweynaha oo kaliya ayaa kaga harsan in uu qalinka ku duugo Miisaaniyadda Xukuumadda Soomaaliya ee sanadkaan 2018-ka oo heerar kala duwan soo maray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top