M/weynaha Soomaaliya Safar Ku Mari Doona Inta Badan Gobolada Dalka (Xogta WidhWidh Online)

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa socdaal dhinaca lugta ah ku mari doona inta badan gobalada dalka, gaar ahaana gobalada Puntland iyo kuwa gobalada dhexe ee Galguduud & Hiiraan oo uu booqan doono.
Madaxweynaha oo ay wehliyaan xubno katirsan dawladdiisa ayaa ujeedada socdaalkiisu tahay arrimaha la xariira sidii ummadda Soomaaliyeed fikradahooda loo ogaan lahaa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa ka bilaabi doona magaalada Garoowe berri oo kubeegan 8 Jan 2018, wuxuuna mari doona inta badan gobalada Puntland.
Socdaalkan ayaa ah fariin siyaasadeed oo leh saameynteeda, waxaana suuragal ah in ay wafdigu sidaas oo kale taagan qeyb kamid ah gobalka Hiiraan, sidda ay sheegayaan warar madax banaan.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya uu socdaal kutagi doona xeryaha ciidamada Difaaca ee Puntland, oo uu kala hadli doono sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen in lasoo afjaro kooxaha Argagixisada ee Al- Shabaab.
Sidda aan ka soo dheehanay WidhWidh Online xogtan ayaa cadeynaysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu talaabadan uga gol leeyahay sidii loo gaari lahaa yool wanaagsan, isla markaasna loo heli lahaa xogta ay qabaan Shacabka Soomaaliyeed.
WIDHWIDH ONLINE NEWS

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top