Iney Barcelona Aheyd Riyada Yaraantiisa, Nolosha Magaalada Barcelona & Philippe Coutinho Oo Mar Kale Ka Hadlay Imatinkiisa Camp Nou.

Kooxda Barcelona ayaa dhameystirtay saxiixa Philippe Coutinho kaas oo noqday xidiga labaad ee ugu qaalisan dunida kubadda cagta maadaama uu ku yimid Camp Nou aduun dhan 160 Malyan oo Euro, isagoo wareysi siinayay TV-ga Barca ayuu qiray inuu waqtigiisii yaraanta jeclaa xirashada maaliyadda Blaugrana.
Inkastoo uu dhaawac yahay isla markaana muddo sadex todobaad ah kadib uu kasoo muuqan karo, hadana wuxuu rajeynayaa inuu waqti si fiican usoo kabto isla markaana uu wax badan oo guulo ah ka caawiyo kooxdiisa cusub.
“Mar walba waxey ii aheyd riyo, xitaa tan iyo markaan yaraa inaan xirto maaliyadda Barcelona” ayuu xidiga reer Brazil u sheegay Barca TV.
“Aad baan ugu faraxsanahay inaan halkaan imaado”
“Waxaan ahaa mid ka walaacsan heshiiska maalmo inuu dhamaado isla markaana aan imaado Barcelona”
“Dhabtii waan jelaaday magaalada, horay ayaan ugu noolaaday”
“Waa mid aad ula mid ah Rio, magaaladeyda, waa mid ka mid ah kuwa aan ugu jeclahay dunida”
“Waxaan isku dayi doonaa inaan kooxdeyda siiyo sida ugu wanaagsan kulan walba”
“Waxaan u qaadan doonaa fursad walba inaan isku dayo kuna caawiyo kooxdeyda”
“Waxaan ku ciyaari doonaa farxad, mar walbana waxaan ahaan doonaa mid dagan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top