Hooyada dhashay Saxafiyaddii lagu jirdilay Jowhar oo hadashay[VIDEO]

Hooyada Khadiija Xasan oo ah hooyada dhashay gabar Saxafiyad ah oo lagu jirdilay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle, ayaa ka hadashay xadgudubka lagula kacay gabadheeda.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Iqra C/laahi Raage (Iqra Ladan) oo ah Wakiilka Telefishinka Somali Cable ee Magaalada Jowhar, ayaa waxaa Khamiistii jirdilay askar ka tirsan Ciidanka Booliska ee magaaladaasi ka hawlgala.
Barraha bulshada, ayaa lagu faafiyay sawirran muujinaya dhaawac gabadhaasi kaga yaala dhanka wejiga, taasoo keentay in bulshada qaybteeda ay cambaareyso Booliska Jowhar.
Hooyo Khadiija Xasan oo la hadashay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in Iqra Ladan oo muuqaal duubeysa ay u yimaadeen Ciidanka Booliska, isla-markaana ay weydiiyeen aqoonsi, xilli aanay sidan. Ka dib waxay sheegtay in ciidanku ay jejebiyeen kaamiradii ay wadatay, jirdilna ay u gaysteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top