Halkan Si Toos Ah Ugala Soco Dhaq Dhaqaaq Kasta Oo Suuqa Kala Iibsiga Bisha January Ka Dhaca -Tabin Qoraal Ah Oo Toos Ah

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janunary ayaa furan waxayna kooxaha Yurub ugu waa wayni haddaba diirada ku hayaan in ay la soo saxiixdaan ciyaartoy ay u arkaan in ay safafka kooxahooda xoojin u noqon karaan, laakiin sidoo kale waxaa jira kooxo doonaya in ay iska iibiyaan ciyaartoy aan muhiim ka ahayn qorshahooda xili ciyaareedka waxaana la filayaa in ay jiri doonaan saxiixyo muhiim ah oo lala kala wareegi doono. Hadda waxaa la sameeyay saxiixyo qaali ah balse wali waxaa la filayaa in ay kuwo kale jiri doonaan.
Philippe Coutinho oo tan iyo suuqii xagaagii si wayn loola xidhiidhinayay Barcelona ayaa ugu danbayn ku wareegay lacagtii labaad ee abid ugu badnayd ee uu ciyaartoy koox kale ugu wareegay waxayna hadda Liverpool suuqa ugu jirtaa badalkiisa. Alexis Sanchez, Thomas Lemar, Riyad Mahrez iyo xidigo badan oo kale ayaa suuqa in badan looga hadalyaaa.
Saxiixyada kale ee ugu muhiimsan ee suuqa kala iibsiga bishan january laga samayn karo waxaa isna ka mid ah xidiga kooxaha waa wayni sida xoogan ugu dagaalamayaan ee Leon Goretzka oo ka tirsan kooxda Schalke 04 kaas oo ay Bayern Munich, Liverpool, Arsenal iyo Barcelona yihiin kooxaha xiisahooda la diwaan galiyay.
Laakiin waxaa jira ciyaartoy badan oo kale kuwaas oo suuqa lagu hadal hayo ama lala kala wareegi doono inta uu suuqu furan yahay. Shabakadaha Laacib.net iyo Gool24.net ayaa si wada jir ah idiinku suurtogaliyay in maalinkasta min 9:00 subaxnimo ilaa saqda dhexe ee habeen aad si toos ah halkan ugala socon kartaan dhaq dhaqaaqa suuqa kala iibsiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top