Gudiga Qaban-qaabada Shirkii BUUHOODLE iyo Isimada Dhaqanka Oo Buurawadal Kulan Ku Yeeshay{Sawiro}

Deegaanka Buurawadal ee gobolka sool waxaa ka dhacay shir ay yeesheen gudiga qaban qaabada shirweynaha DHULABAHANTE iyo Isimada dhaqanka SSC.
Waxaana kulankan qeyb ka ahaa Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi oo dhawaan deegaankaasi lagu caleemo saaray iyo Qeyb kamid ah beesha xassan ugaas
Kulankan oo looga hadlay arimo badan oo ku saabsan kaalinta ay ka qaadan lahaayeen beesha xasan ugaas shirweynaha SSC ayaa lagu wadaa in qodobo laga soo saaro maalmaha soo socda
Waxyaabaha laga hadlay ayaa kamid ah in deegaanka buurawadal lagu qabto shirweynaha oo laga joojiyo magaalada buuhoodle.
Gudigan Khaatumo ee shirka qaban qaabinasa iyo kulanka isimada ee buurowadal ayaa ah mid xaasaasi ah waxaanse la sadaalin karin in la isla fahmo kabadalida buuhoodle shira iyo in kale
 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top