DEG DEG: NISA oo goordhow sharuud la yaab leh ku sii deysay Kamaal Guutaale & Sayid Cali oo..

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xariga Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali oo Labadaba xubin sare ka ah Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir,waxaana wararka ay sheegaya in goordhow Ciidamada Nabad sugida labadaasi siyaasi ay sii daayeen.
Labadan Shaqsi ayaa laga qabtay Hotelka Maka Al-Mukarama oo ay ku sugnaayeen, kadib markii ciidamada ammaanka ay galeen oo ay kala baxeen Hotelkaasi.
C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa xaqiijiyay in ciidamada NISA ay sii daayeen labadan Siyaasi ee kala ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale Iyo Xoghayaha Xibsigaasi.
Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in ciidamada ammaanka ay xiraan shaqsiyaadkaan iyo sababta haddana keentay in horay laga sii daayo.
Labada Siyaasi ayaa wali saxaafada la hadlin oo aan faah faahin sababta loo xiray

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top