Chelsea oo Heshiis lagashay Massimiliano Allegri

Waxaa soo baxay war lama filaan ah oo sheegaya in maamulka iyo mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ay haddaba heshiis la sii gaadheen macalinka kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri si uu badalka tooska ah ee Antonio Conte u noqdo. Mustaqbalka Conte ayaa waqti dheer soo ahaa mid aan sal dhigan waxaana jirta suurtogalnimada uu Conte kaga bixi karo Stamford Bridge.
Wargayska Talyaaniga ka soo baxa ee Corriere dello Sport ayaa war miino oo kale ah ku qarxiyay Stamford Bridge kadib markii uu sheegay in Chelsea ay haddaba heshiis la sii gaadhay Max Allegri si uu Blues uga badalo ninka ay isku Talyaaniga yihiin ee Antonio Conte.
Roman Abramovich ayaa caan ku ah in uu si sahlan tababarayaasha kooxdiisa u badalo inkasta oo Antonio Conte uu xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ku soo guulaystay Premier League isla markaana ay Chelsea wali ku sii jirto tartamada yurub oo markii uu qabtay ay ka maqnayd.
Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegay in Allegri uu haddaba heshiis afka ah la sii gaadhay Roman Abramovich iyo maamulkiisa Stamford Bridge laakiin Juventus ayaa doonaysa in Allegri ay sii haysato ilaa inta uu qandaraaskiisu dhacayo sanadka 2020.
Haddii ay tahay in la rumaysto warka uu daabacay wargayska Talyaaniga ee Corriere dello Sport, tababare Allegri ayaa markale qaban doona koox uu Antonio Conte ka soo shaqeeyay qaab la mid ah sidii Juventus.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

scroll to top